Isniin, September 15, 2025 (HOL) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul u dhaliilay hab-dhaqanka dowladda ee ku aaddan guuldarradii ciidanka Qaranka ee ka dhacday deegaanka Cowsweyne, isagoo sheegay in dhacdadaasi ay sababtay burbur iyo kala daadsanaan baahsan oo ku timid hay’adda ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.