Sabti, September 20, 2025 (HOL) – Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Riley, Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee ka howlgala Afrika, Major General Claude Tudor, iyo Taliyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa Col. Benander, ayaa magaalada Boosaaso kula kulmay Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, si ay uga mahad celiyaan dadaallada Puntland ee la dagaallanka ISIS iyo sugidda ammaanka xeebaheeda.