Jimco, September 19, 2025 (HOL) – Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa qoraal ay si wadajir ah u soo saareen eedeymo culus ugu jeediyay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur.