Talaado, September 16, 2025 (HOL) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun adag ku ridday Caasho Macalin Mursal Cali kadib markii ay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ku eedeeyay dambiyo culus oo la xiriira maalgelinta argagixisada, dhaqidda lacagaha sharci darrada ah, iyo taageeridda Ururka Al-Shabaab.