Isniin, September 29, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbadii uu maanta ka hor jeediyay Baarlamaanka Federaalka ku sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee kala dhexeeya maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyadoo loo marayo wadahadal, is-qancin iyo xal waara oo ku saleysan mas’uuliyad qaran.