Khamiis, September 25, 2025 (HOL) – Maamulka Jubaland ayaa si adag u cambaareeyay barakicin iyo tacadiyaddo uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed loogu geysanayo magaalada Muqdisho, iyadoo ku tilmaantay dhacdooyinka Muqdisho ka socda kuwo halis ku ah karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta.