Talaado, October 21, 2025 (HOL) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Amb. Ilyas Ali Hassan, ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga ugu gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (DRC), Marwo Thérèse Kayikwamba Wagner, xaflad si heer sare loo agaasimay oo ka dhacday magaalada Kinshasa.