Isniin, October 20, 2025 (HOL) – Madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre ayaa si adag u cambaareeyay xiriga Xalay loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho Zamzam Cumar Cali oo la tilmaamay iney ka mid aheyd dadkii dhawaan laga barakiyay xaafadda Siinaay ee degmada Warta Nabadda.