Jimco, October 17, 2025 (HOL) – Ciidamada ammaanka ee degmada Beledxaawo ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan dhagarqabe qorsheynayay fal argagixiso oo halis gelin lahaa nolosha shacabka iyo ciidamada deegaanka, kadib howlgal qorshaysan oo ay sameeyeen xilli habeenimo ah.