Jimco, November 7, 2025 (HOL) – Warbixin ay baahisay waaxda BBC Verify ayaa daaha ka qaaday in hoggaanka ciidamada RSF (Rapid Support Forces) ee Suudaan uu ku hawlan yahay olole lagu xakamaynayo dhaawac soo gaadhay sumcadooda kadib markii ay soo baxeen caddeymo muujinaya xasuuqyo ay ciidamadooda ka geysteen gudaha magaalada El-Fasher ee waqooyiga Suudaan sida BBC-du qortay.