Talaado, November 25, 2025 (HOL) – Ciidmaada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysnaa ku dilay horjooge sare oo ka tirsana Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan xadka gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.