Sabti, November 22, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu si degdeg ah u joojinayo Barnaamijka Ilaalinta Ku-Meel-Gaarka ah (TPS) ee Soomaalida Maraykanka, isaga oo sabab uga dhigay “khatar amni” uu sheegay in ay gobolka Minnesota ka abuurayaan “koox Soomaali ah.”