Isniin, November 10, 2025 (HOL) – Hay’adda caalamiga ah ee Amnesty International ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamku ay ku fashilmeen inay ilaaliyaan kumannaan qof oo ka tirsan bulshooyinka ay abaaruhu saameeyeen ee Koonfurta Soomaaliya, taas oo horseeday in dadkaasi la duudsiyo xuquuqdooda aas-aasiga ah ee cunto, biyo, caafimaad, qoys iyo nolol.