Isniin, September 22, 2025 (HOL) – Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta ku dilay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho Carab Cali oo ahaa Darwal gaari oo noociisu yahay kan Soomaalidu u taqaano (Leyla Calaawi).