Khamiis, November 6, 2025 (HOL) – Bangiga Adduunka ayaa shaaciyey mashruuc cusub oo $112 milyan ah oo loogu talagalay in lagu abuuro 28,000 oo shaqo oo dhalinyarada loogu talo galay, iyo in lacag gargaar toos ah lagu siiyo 123,000 qoys oo nugul, taas oo la filayo inay si toos ah u taageerto ku dhowaad 738,000 qof guud ahaan dalka.