Arbaco, October 22, 2025 (HOL) – Booliiska Somaliland ayaa Isniintii xabsiga dhigay shaqaale tiro badan oo ka hawlgalayay hay’adda Consilient Limited Company, kadib markii booliiska loo gudbiyay xog sheegaysa in hay’addu ay ku hawlanayd qabashada dood la xidhiidha dastuurka Soomaaliya iyo doorashooyinka.