Sabti, Luulyo 26, 2025 (HOL) – Markab yar oo xoolo sida ayaa lagu qabtay isagoo ku sii jeeday xeebaha dalka Yemen 24-kii Luulyo 2025. Sababta ka dambeysa qabashada wali si buuxda looma xaqiijin, balse hay’adaha amniga ayaa tuhunsan in markabka la joojiyay kaddib markii dadka deegaanka ay arkeen goobta uu marayay oo ah goob bartilmaameed u ah Xuutiyiinta.