Axad, Luulyo 13, 2025 (HOL) – Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al shabaab, kaas oo ka dhacay tuulada Buulo-xoog ee hoostagta deegaanka Buq-Aqable, gobolka Hiiraan.