Axad, Luulyo 27, 2025 (HOL) – Dagaallo cusub ayaa dib uga qarxay magaalada Balad-Xaawo, taasoo ka tirsan gobolka Gedo ee Maamulka Jubaland, Wararka la helayo ayaa sheegaya in hoobiyayaal lagu garaacay xaafado ay dad rayid ahi degan yihiin, taasoo keentay burbur soo gaaray guryaha shacabka.