Axad, Luulyo 27, 2025 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Al-shabaab ay gudaha u galeen magaaladaas, kadib dagaal muddo dhowr saacadood qaatay oo halkaas ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo dhinac ah iyo kooxda Al-shabaab.