Axad, Agoosto 31, 2025 (HOL) – Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa Sabtidii qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirkooda laba-geesoodka ah, kadib markii ay labada dal kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo dhigaya in si joogto ah la isula yeesho wadatashiyo siyaasadeed.