Axad, Agoosto 31, 2025 (HOL) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu gacanta ku hayo gal dacwadeedyo la xiriira cayda, aflagaadada, sumcad dilka iyo wararka isku dirka been abuurka ah ee lagu faafiyo bulshada dhexdeeda.