Sabti, Agoosto 9, 2025 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalo mudo todobaad ah ku dhexmarayay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM iyo kuwa kooxda Al-shabaab.