Talaado, Agoosto 5, 2025 (HOL) – Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay qorshaynayso inay soo saarto lacag cusub oo Shilin Soomaali ah oo la daabacayo. Qorshahan ayaa qayb ka ah dib-u-habeynta dhaqaalaha ee socda, waxaana taageeraya Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).