Axad, September 21, 2025 (HOL) – Dowladda Masar ayaa markale xaqiijisay taageerada buuxda ee ay u hayso shacabka Soomaaliyeed, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay inay gacan ka geysato dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xaqiijiso nabadgelyo iyo xasillooni waarta.