Isniin, September 8, 2025 (HOL) – Hay’adda Socdaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si adag uga shaqeynayso la dagaallanka xagjirnimada iyo sugidda ammaanka xuduudaha iyadoo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah, sida uu sheegay Agaasimaha Guud, Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow, oo la hadlay wakaaladda wararka Anadolu oo laga leeyahay dalka Turkiga.