Isniin, Agoosto 25, 2025 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay hufnaanta barnaamijka gargaarka bulshada ee Baxnaano, oo ay maalgelisay Bangiga Adduunka isla markaana uu maamulo Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), laguna bixiyey lacag dhan $153 milyan sanadkii 2024.