Isniin, September 22, 2025 (HOL) – Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa si adag u dhaliilay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu codaysay qaraar ay Qaramada Midoobay ku cunaqabateyneyso Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, isagoo ku tilmaamay arrintaas “musuq siyaasadeed” oo ka hor imaanaysa danaha iyo mabda’a Soomaaliya.