Khamiis, Luulyo 17, 2025 – Ganacsatada ku sugan qeybta Bagaashka ee Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa si adag uga cabanaya dhul boob iyo barakicin ay sheegeen in si xoog ah loogu hayo, iyagoo tilmaamay in muddo ku dhow 50 sano ay goobahooda ganacsi ku shaqeysanayeen.