Isniin, October 20, 2025 (HOL) – Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad, kaas oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.