Isniin, October 20, 2025 (HOL) – Dadka u safraya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ee ka imaanaya dibadda, ayaa sheegay in ay caqabado kala kulmaan nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-visa) ee ay dowladda Soomaaliya soo rogtay, iyadoo qaarkood laga reebay duulimaadyadii ay ku safrayeen.