Isniin, October 20, 2025 (HOL) – Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa xukun ku riday saddex nin oo loo haystay inay ka dambeeyeen dil arxan darro ah oo lagu laayay hooyo Soomaaliyeed iyo saddex carruur ah oo ay dhashay, Falkaasi naxdinta leh ayaa dhacay bilo ka hor, wuxuuna gilgilay shacabka deegaanka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.