Jimco, Luulyo 4, 2025 (HOL) – Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay si mideysan u ansixiyeen heshiis is afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Turkiga iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalalka Xeebaha leh ee Afrika.