Jimco, Luulyo 4, 2025 (HOL) – Dowladda Uganda ayaa shir-guddoomisay kal-fadhiga 1287-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC), kaas oo si gaar ah loogu falanqeeyay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).