Talaado, Agoosto 5, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay Suuqii basbeelay ee Suuq Bacaad ee ku yaala degmada Yaaqshiid, Guddoomiyuhu wuxuu ka dhawaajiyay baahi degdeg ah ee loo qabo in la hirgeliyo waddooyin nidaamsan oo dhex mara suuqyada caasimadda si loo xakameeyo khasaaraha marka ay dhacaan xaalado degdeg ah sida wixii xalay ku dhacay Suuq Bacaad.