Axad, November 2, 2025 (HOL) – Taliska ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen horjooge ka tirsanaa ururka Al-Shabaab oo isaga soo tagay kooxda, kaddib markii uu ku adkaaday nolosha adag iyo daryeel la’aanta ka jirta howdka ay ku dhuumaaleysanayeen.