Jimco, October 24, 2025 (HOL) – Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa muujisay walaac cusub oo ku saabsan korarka kiisaska tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah ee ka jira Geeska Afrika, iyadoo Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya lagu tilmaamay dalalka ugu waaweyn ee ay ka soo baxaan dadka u tahriiba waddamada Khaliijka iyo meelo kale oo halis ah.