Jimco, October 24, 2025 (HOL) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Mahad Abdirahman Aadan, oo loo yaqaan Taliye Shub’, ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo isticmaalka daroogada iyo ka-ganacsiga hubka ee gudaha ciidamada, isaga oo ku baaqay in saraakiisha iyo shaqaalaha ciidamada ay muujiyaan daacadnimo iyo anshax sare oo shaqo.