Jimco, Agoosto 8, 2025 (HOL) – Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshe uu soo jeediyay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo ah in ciidanka Israa’iil ay si buuxda ula wareegaan magaalada Qasa – taas oo ku taalla waqooyiga dhulka Falastiiniyiinta ee go’doonsan.