Israa’iil oo weeraro cirka ka ah ku dishay ugu yaraan 90 rayid Falastiiniyiin ah hal maalin gudaheed

Sabti, Luulyo 19, 2025 (HOL) – Duqeymo xooggan oo ay maanta Israa’iil ka geysatay Marinka Qasa ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 90 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegayaan ilo caafimaad iyo goobjoogayaal ku sugan gudaha Marinka. Weerarradaas oo ka dhacay goobo kala duwan, ayaa si gaar ah u saameeyay magaalada Rafah, halkaas oo 36 qof lagu dilay xilli ay saf ugu jireen helista raashin gargaar ah.

Akhri Warbixinta Dhammeystiran (Read More)

Main Menu