Isniin, Luulyo 14, 2025 (HOL) – Kenya ayaa sheegtay in ay ka qaaday shuruudihii fiisaha ee dalal badan oo ka tirsan Afrika iyo Karibiyaanka, hase yeeshee ay Soomaaliya iyo Libya si gaar ah uga reebtay qorshahan, sababo la xiriira walaacyo dhanka amniga ah.