Isniin, Luulyo 14, 2025 (HOL) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu waxaana ay diiradda saareen xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqanka iyo warbaahinta, Labada mas’uul ayaa muujiyay in ay ka go’an tahay horumarinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.