Arbaco, September 10, 2025 (HOL) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed garabka uu hoggaamiyo madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa si adag looga hadlay dhul boob ay sheegeen inuu ka socda xaruntii Kuliyadda Tababarka Abaanduulka ciidanka ee Axmed Gurey ee dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybaha xaruntii Jiifka Ardayda iyo Kulliyadda Caafimaadka.