Isniin, Luulyo 21, 2025 (HOL) – Madaxweynaha dalka Ereteriya, Isaias Afwerki, ayaa si kulul ugaga digay Itoobiya in ay mar kale isku daydo in ay dagaal ku qaaddo dalkiisa, isagoo sheegay in ay tahay khiyaali laga shallayn doono. Hadalkan ayaa imanaya iyadoo xiisada u dhaxaysa labada dal ay cirka isku sii shareerayso.