Isniin, Agoosto 4, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Kismaayo.