Khamiis, Agoosto 21, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay in uu codkiisa ku biirinayo ololaha ay madaxda qaarkood wadaan ee lagu doonayo in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, lagu guddoonsiiyo abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda.