Arbaco, Luulyo 16, 2025 – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa digreeto rasmi ah ku soo saaray gogol nabadeed oo uu u dhigay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, si loo soo afjaro shaqaaqooyinkii ka dhacay halkaas.