Axad, Luulyo 27, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saakay gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, si uu uga qeyb galo Shirweynaha 2-aad ee Ilaalinta Cunnada Adduunka, oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay (UN), iyada oo uu shirkan xoogga saarayo sidii loo heli lahaa xal waara oo lagula tacaalo cunno yari baahsan oo ka jirta dunida.