Talaado, Agoosto 26, 2025 (HOL) – Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Den. Kulankan ayaa diiradda lagu saarayay arrimaha amniga, xaaladda bani’aadantinimo iyo horumarinta, iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.