Axad, November 9, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo doorashada madaxtinimo ee dalkaas ee lagu wado in ay dhacdo Abriil 2026, taas oo noqon doonta muddadiisii lixaad ee uu xukunka u tartamo, kaddib markii baarlamaanka Jabuuti uu dhawaan meesha ka saaray xayiraaddii da’da iyo xaddidnaantii muddada xil-haynta ee dastuurka.